Ciyaaryahan Soomaali ah oo RIKOOR cusub u dhigay FIBA Africa.
Feysal Aadan oo ka mid ahaa ciyaartoydii xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda Kolayga, ayaa rikoor cusub u dhigay ciyaaraha kubadda Kolayga (Basket Ball) ee qaaradda Africa “FBA Africa”, kadib markii uu hal ciyaar dhaliyay kaligiis 61 dhibic.
Ciyaartii Soomaaliya iyo Rwanda ku wada ciyaareen Semi Finalka isreeb-reebka koobka qaramada Africa ee Zone 5 ayuu Feysal keenay 61 dhibic oo ka mid ah 83-da dhibic ee Soomaaliya keensatay. Ciyaartan Rwanda ayaa 86-83 ku badisay.
Madaxa wafdiga xulka qaranka hogaaminayay Axmed Muuse ayaa ii sheegay in Feysal uu dhigay rikoorka ah ciyaaryahanka dhibcaha ugu badan ka hela hal ciyaar oo ka tirsan tartan FIBA Africa ah.
“FIBA Africa waxa ay hadda ku faaneysaa in ciyaaryahan Soomaali ah uu dhigay rikoorkan oo xataa noqon kara rikoorka aduunka ee ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda Kolayga” ayuu yiri Axmed Muuse.
Feysal Aadan oo ka baxay Koleej kubadda Kolayga lagu barto oo ku yaalla magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa waxa uu wacadarro ka dhigay guulihii xulka Soomaaliya ay ka gaareen tartankan oo ay kaalinta 4-aad ka galeen Soomaaliya.
61 dhibic in uu hal ciyaaryahan kaligiis dhaliyo hal kulan waa Rikoor cusub oo u yaalla Soomaaliya.
by, Ibrahim gedow Awale (Biibbo), injineerka3@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16286