|

Isboortiga cudurka qabyaalada in laga fogeeyo ayay aheyd.

sportWadanka Soomaaliya weli waxaa moodaa in dhibaatadii wadanka soo martey waxbo laga baranin oo cadaaladii laga sii fogaanayo maalinba maalinta ka sii dambeysa, dadkuna waxaa moodaa inay ka carartey jago doonimo, lacag raadis waali ah,magac ku raadin dariiq xun, islamarkaana qofna qofka kale wax u ogal ma aragno ilaa hada, meel kastana waxaa ku habsadey qabsadey koox shufto ah oo qabyaalad gashaan ka dhigtey, halka xaasidnimadu iyo nacaybka uu gaarey meeshii ugu hooseysay taariikhdeena, dadkii waxtarka ahaa waa baagamuudo, dadkii xabsiyada inay ka buuxaan aheydna waa madax ku sheeg iyo duub, shacabkiina waxaa lagu wareeriyay tol beleey oo been ah.

Isboortiga cudurka qabyaalada in laga faogeeyo ayay aheyd uu daawo u noqdo bulsho caalamka ka hartey, dib u dhacdey, haboowdey, is dishey, colaad aan jirin ku habsaantey, welina hayso wado xun, isboortiga inuu mideeyo ayay aheyd loo adeegsado isdhexgalka bulshada iyo is fahanka dhalinyarada Soomaaliyeed, si looga saaro xeyn daabka lagu kale xirtey. balse ma dhicin waayo dad garashadaas leh uma noqon hogaan higsan kara himilooyin fog fog iyo ujeedo laga guul gaari karo.

Marka qormadaan waxaan u soo qaatey oo igu dhaliyay inaan qoro kadib markii aan arkey farxada ay dadka Soomaaliyeed ay ku soo dhaweeyeen aqoonsiga dowlada Mareykanka ay u aqoonsatey Dowlada Soomaaliya inay tahey dowlad rasmi ah oo la mid ah dowladaha ka jira caalamka iyo la kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu kula kulmey aqalka cad ee Washington madaxweynaha dalka Mareykanka Barrack Xuseen Obama iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Hillary Clinton.

Kulankaas waan soo dhaweeyay si la mid ah umadda Soomaaliyeed,waxaana farxad ah in wadankeena uu ku soo laabto saxada caalamka,lana mid noqdo wadamada caalamka ka dhisan, si umadda Soomaaliyeedna ay uga baxaan duliga ay ku jiraan iyo dhibaatada ku heysata dunida dacaladeeda, heshana dowlad ilaalisa difaacda sharaftooda.

Hasa yeeshee waxaa hadane nasiib xumo ah in weli dalkeena uu ka jiro is quursi iyo xaqiraad lagu hayo dad Soomaaliyeed oo run ahaantii aan dhihi karo qayb muhiim u ah wax soo saarka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya, si weyna loogu baahan yahey.

Isboortiga wadankeena hadaa dib u raacdo taariikhdiisa lama dafiri karo kaalinta weyn ay ku lahaayeen hadii ay ahaan laheyd cayaaraha noocyadiisa kale duwan ee ka dhici jirey degmooyinka, gobalada iyo kooxihii heerka koowaad iyo Qaranka dalka Soomaaliya.

Tusaale Gobalada Banaadir. Sh/Dhexe.Sh/Hoose.Hiiraan.Jubadda Dhexe iyo Jubadda Hoose, kooxaha heerka koowaad iyo Qarankaba 50% iyaga ayay ahaayeen sida runta ah, weliba ciyaartooy laf dhabar u ahaa oo magac weyn ku soo yeeshay taariikhda isboortigeena kubadda cagta, koleyga, feerka,oradada, mana aheyn hal iyo labo qura, hadane tixgalin weyn ma aysan ku helin wixii ka dambeeyay markii dowladii dhexe burburtey maamulka isboortigana ay la wareegaan jabhad cusub oo ilaa haatana heysta moodey inay dhaxaltooyo u heleen, umadda Soomaaliyeedna isboortigii kale dhaxeeyay.

Waagii wadanka nabada ahaa oo Oktoobar lagu mari jirey fagaarada tribune-ka oo hadane Kacaanka wadanka maamulayay, waxaan maqley inay si toos ah ugu hadleen cadaalad daro ay markaas ka tirsanayeen iyagoo weliba qirayay in xaqoodii wax badan heleen, waxayna dhaheen hadii aanan qaldaneyn sidatan ” Jaallow Siyaadoow Jareer iyo jileec simoow, welise jug baa ku jirto, jareer Jeneraal ah lama arkin iyo jareer jago looma dhiibin, jareer jago looma dhiibin”.

Marka kuwii markaas noo sheegayay in wadanka cadaalad daro lagu dhaqayay tan iyo maalintii xornimada la qaatey oo raadinayay cadaalad iyo xuquuq, in maanta ay dad la mid ah xuquuqdooda ka hor istagaan oo aysan xataa hal qof uga soo darin isboortigii Soomaaliyeed oo ay laf dhabarta u ahaayeen waa nasiib xumo iyo cadaalad daro aad u weyn oo qof aadane ah laga galo oo hadane wadankii uu lahaa ku nool.

Hadii Mareykanka oo ah dowlada caalamka ugu awooda badan maanta ay madaxweyne ka dhigteen nin madoow ah, marka arko inaan xaqireyno dad walaalo nala ah wadanka nala degan oo Soomaali ah hadane Muslim ah, oo runtii isboortiga kaalin weyn ka qaadan kara, lehna ciyaartooy karti badan oo awood badan leh,kuwaasoo hadii fursad la siiyo laga soo saari karo ciyaartooy la awood ah wadankeena ka matali kara fagaarayaasha caalamka Abdi Bile. Mo Farah . Abdisalaam. Ayub. Liibaan .Bolt. Carl Lewis. Mike Tyson. Micheal Jordan, Drogba. Eto . Yahye Toure iyo madax isboortiga Soomaaliyeed horumarin kara oo la mid ah Allaha u raxmadee Saleebaan Colaad Rooble iyo Mowliid Macaane oo kale.

Marka waxaan qormadeyda ku soo gabagabeynayaa maxaa dadkaas qiimahaas iyo taariikhdaas isboorti ku leh , hadane iyagoo soo taagtaagan Muqdishoow loogu diidey inay ka mid noqdaan maamulka iyo ciyaartooyda heerarka kale duwan ee caasimada Soomaaliya ka dhisan sida Gudiga Olambikada. Xiriirka Kubadda cagta iyo kooxaha u diiwan gashan.

Waxaana ogahay in macalin Ugandees ah oo ciyaartooydeenii hore wadankeena joogta oo dhan kaga fiican yihiin macalinimada in kooxda Qaranka kubadda cagta macalin looga dhigay isagoo 5000 Dollar lagu soo kireeyay inuu macalin u noqdo xulkeena, kaasoo kooxdii loo dhiibey Mr.Uganda laga dhaliyay 13 goal foolxumada dhacdey,kuwii wadankeena u dhasheyna ay dariiqyada magaalo madaxda iyo gobalada baahi ku heyso iyaga iyo caruurtooda.

Dowladii iyo Wasaaradii isboortiga iyo Dhalinyarada xaqa umadda iyo cadaalada laga sugaayay ayaa weli fahansaneyn qormada aan halkaan ku qorey waayo madaxda dowlada Soomaaliyeed dhamaantood hadii ay ahaan lahaayeen Madaxweyne, Raisalwasaare, Xukumad iyo Baarlamaan kama hadlaan dulimiga iyo dhibaatada wadanka ka jirta iyo sidii lagu istaajin lahaa, waayo kuli waxay ka shaqeeyaan oo moodaan shaqadooda sidii beelahooda dadka xaqooda ugu boobi lahaayeen.

Qalinkii turxaanbixinta Isboortiga Soomaaliyeed

Yusuf Yusuf

sspamedia.

mrsomalia@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16265

Posted by on Jan 28 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan