|

Mario Balotelli oo dib ugu laabtay talyaaniga (By Liida)

250344hp2Ciyaaryahan Balotelli ayaa dib ugu laabtay wadanka talyaaniga iyo kooxda Ac Milan asagoo jah wareer ka qaaday kooxda Man City oo ay is afgaran waayen kadibna sababtay in uu ku biiro kooxda Ac Milan.

 

Warkan ayaa xaqiijiyay Director-ka  kooxda Ac Milan Umberto Gindini oo  uu ku shaaciyay warkan Aalada internet-ka qaasan page-ka Twitter.

Gandini waxuu yiri”heshiiska Balotelli wuu dhacay kooxda City-na heshiis ayaan kala saxixanay,beri Ayuu marayaa baarista caafimaadka waxuuna saxiixay ilaa 2017”.

Man City ayaa haatan heysata ciyaaryahanada Carlos Tevez,Edin Dzeko,Sergio Aguero kuwaa Oo haatan Ah fursadaha ay heesato Man City kuna shartagi karta.

Balotelli ayaa markii hore u ciyaari jiray kooxda Inter Milan asagoona kadib uu yimid kooxda Manchester City, dhibaatadii ugu darneyd ee qabsata Balotelli ayaa aheyd asagoo laheyn Dabeecad ay Isu fahmaan asaga iyo tababare Mincini.

Asna waxaa horay u jiray hadal uu horay u dhahay macalin Mourinho oo uu yiri “Balotelli Noloshiisa Inta aan ka garanayo waxaan ka qori karaa buug dhan, waxuuna raaciyay Balotelli Haduu fahmi waayo Macalinkan u dhashay wadanka talyaaniga weligii ma fahmayo macalimiinta Kale”

Fetah Ali (Liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16330

Posted by on Jan 29 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan