Barcelona iyo Real Madrid, Arsenal iyo Liverpool oo caawa fooda is dari doona(By Liida)
Kulankan adag ee wada yeelan doonaan labadan kooxood ayaa ah kulan ay wada sugayaan dhamaad daafaha dunida dadka Jecel sports-ka, kooxda Barcelona oo ah kooxda dunida haatan hogaamineysa iyadoona heysata ciyaaryahano tayo ayaa ka Hor imaan doonta kooxda iyana aan la dhayalsan karin ee Real Madrid oo haatan ah koox adag .
Real Madrid ayaa dooneysa in ay ka guuleysato kooxda Barcelona si ay u gaarto dhib caha kooxda Barcelona oo haatan hogaanka La Liga heysa.
Hadaba ciyaartan adag ayaa ah ciyaarta caawa indhaha aduunka ay sugayaan waxaana laga war hayaa in Barcelona uu joogo ciyaaryahankii ku Guuleystay 4 goor oo isku xig xiga laacibka adunka waa ciyaaryahan Messi.
Waxaa asna xusid mudan in Ciyaaryahan Ronaldo oo asna galay kaalinta labaad uu asna joogo kooxda Real Madrid inkastoo Real Madrid Ciyaaryahano dhaawac ay kaga maqan yihiin waxaana la rajeenayaa in Real ay iska dhicin doonto kooxda Barcelona.
Real ayaa tabi doonto ciyaaryahanada laf dhabarta u ah kooxda waa gool haye Iker Casilas iyo ciyaaryahanka xaga daafaca kaga ciyaara kooxda Real Madrid waa ciyaaryahan Pepe oo ah ninka kaliya ee si adag u raaci kara ciyaaryahan Messi.
Hadaba waxaa laga war sugi donaa waxa ay ku dhamaan doonto ciyaartan adag oo ah ciyaar darbi oo ay ku xifaaltami doonaan Kooxda Real Madrid iyo kooxda Barcelona.
Ciyaarta adag ee dhex mari doonta kooxda Arsenal iyo Liverpool
Sidoo kale waxaa iyana jirta ciyaar adag oo ay wada ciyaari doonan kooxaha Liverpool iyo Arsenal waxaana la ogyahay in labadan kooxood Beryahan laga dareemayay tabar dari laakin kooxda waliba waxee soo iibsatay ciyaaryahano inkastoo Arsenal weli waxba aan soo iibsanin, Liverpool ayaa dooneysa in ay ka awood roonaato kooxda Arsenal waxaana la sugayaa cida guuleysan doonto kulankaas.
Inkastoo kubadu ay tahay cad iyo madow ayaa haatana la saadaalinayaa cida guuleysan doonta laakin dunida oo dhan waxee indhaha ku hayaan Labadan kulan ee adag cida guuleysan doonto iyo cida laga guuleysan doono.
Fetah Ali(liida)
Fitaax1me@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16363

