|

Madaxweynaha Hormar ayaan ka gaarnay dhanka Arimaha Dibadda.+Sawiro

madaxweyneMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa xalay la hadlay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Biljamka iyo wadamada ku xeeran.

Madaxweynaha ayaa khudbad dheer oo uu kaga hadlayay dhinacyo badan oo quseeya Somalia u jeediyay Jaaliyadda Soomaalida, waxaana ugu horeyn hadal gaaban ka jeediyay xaflada soo dhoweynta Madaxweynaha, Safiirka Somalia ee Midowga Yurub ahna safiirka Somalia u fadhiya Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo warbixin ka siiyay Madaxweynaha marxaladihii kala duwanaa ee Safaaradda Soomaaliya iyo guulihii ay ka gaareen in gacantooda ay kusoo laabato mudo sanado ah kadib.

Waxaa sidoo kale hadal gaaban ka jeediyay Guddoomiye Kuxigeenka 3-aad ee Baarlamaanka Somalia Mahad Cawad oo u mahad celiyay guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Baarlamaanka uu ka tirsan yahay in ay diyaar u yihiin in wixii shacabka raali ka yahay xukumi doonaan, wixii aysan raali ka aheyna baarlamaanka aqbali doonin in shacabka xukumaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalka qaatay, wuxuuna ugu horeyntii u mahad celiyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee taageerada ku bixiyay in ay hirgaasho Dowladda Somalia, wuxuu sheegay in mudo shan bilood ah oo Dowladda ay jirto in la dhaxlay hannaankii dowladnimo.

Madaxweynaha wuxuu si weyn ugu hadlay dhaqaalaha Dowladda isagoo tilmaamay in ay jirto dhaqaalo xumo baahsan oo aysan jirin dhaqaale ku filan Soomaaliya oo kusoo xarooda qasnada dowladda, inkastoo uu xusay in dhaqaalaha u soo xarooda Dowladda aysan ka badneyn dhaqaalihii horay ugu soo xaroon jiray Dowladdii hore ee KMG, hase ahaatee buu yiri dhaqaalaha hada na soo gala meelihii loogu talagalay ayaa lagu bixiyaa.

Wuxuu Madaxweynaha sidoo kale uu ka hadlay horumarka dowladdiisa ay ka gaartay arrimaha dibadda, isagoo tilmaamay in tani ay ku timid dadaal iyo juhdi ay ay geliyeen, loona baahan yahay in laga faa’iideysto guulaha siyaasadeed, iyo heelanaanta beesha caalamka ee daneyneya Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale uu ka hadlay safaaraddaha Soomaaliya ee adduunka ku yaal iyo isbadalada lagu sameyn doono, isagoo sheegay in 48 Safaaradood Dowladda ku leedahay caalamka, kuwaasi oo uu tilmaamay in dowladda ay yaren doonto tirada intaas la eg.

“Waxaan go’aan ku gaarnay inaan yareyno 48 safaaradood oo caalamka noogu yaal, sida xukuumadda u yareynay inaan u yareyno, wixii aan awoodno ee dhaqaale ahna siino” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh wuxuu soo hadal qaaday dhacdadii 29-kii bishan ee qaraxii ismiidaaminta ka dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada isagoo sheegay in qaraxaasi lagu dili rabay Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya Dr. Saacid, dhacdadaasi oo uu cambaareeyay.

“Isqarxinta mudo waa nala sii joogee, beesha caalamka iyo ciidamo noo soo gurmada ma baabi’in karaan, ilaa shacabka Soomaaliyeed gacantooda ku burburiyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Maalintii labaad ee doorashadii aan ku soo baxay, waxaa dhacday in nin naftiisa soo halikay is qarxiyo meelaan kula shirayay mas’uuliyiin, taasina waxay keentay in rag amaanka iigala taliya iney igu yiraahdaan baabuurta AMISOM raac waa ka badbaadee qarax, walaahi inaanan taasi dheg jalaq u siin, waana ka diiday inaan raaco, waayo maalintaada, saacad laguuguma darayo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday inuu raaco gaadiidka AMISOM.

Ugu danbeyntii wuxuu Madaxweynaha ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dayactirka Safaaradda Soomaaliya ee Biljamka, maadaama ay kusoo laabatay gacanta Somalia, sidoo kale wuxuu ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo iney taageeraan Dowladda

 Bile Gurxan Brussels

Qaran24

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16406

Posted by on Jan 31 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan