ibrahim
|

Ciidamada Dowladda oo Gacanta ku dhigay Deegaano ay horey u heysteen Al-shabaab.

ciidamada-KMG-Hiiraan.bmp-for-webCiidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxey kula wareegeen goobo ay horey ugu sugnaayeen Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

Howlgalkan oo soo bilowday gelinkii dambe ee xalay ayaa waxey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed kula wareegeen deegaanno dhaca koonfurta gobolka Hiiraan deegaannadaasi oo ah goobaha ay inta badan Maleeshiyada Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weeraradooda argigixiso.

Deegaannad ay la wareegeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa kala ah Baar, Luq-jeeloow iyo Buqda waxaana deegaannadaasi dhammaantood ay Ciidammadu la wareegeen xalay ayagoo maleeshiyaadkii ku sugnaana dharbaaxo kulul ku dhuftay.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkan ayaa u sheegay Radio Muqdisho in howlgalkii xalay ilaa saakay ay ku qaarijiyeen horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaabka gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgalka guud ahaanba dalka looga sifeynayo Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ayadoo guulaha laga gaarayo howlgalkaasina ay isasoo tarayaan.

xigasho:RM

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16453

Posted by on Feb 1 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan