Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray London.

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada London ee Wadanka Ingirisika Kadib Markii Casumaad Rasmi ah uu ka helay Dowladda Wadankaasi.

Madaxweyne Xasan, ayaa waxaa safarkiisa ku wehlisa Wasirka Arimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf iyo Madax katirsan Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana lagu wadaa in uu kulamo la yesho Madaxda Ingiriiska iyo Jaaliyada Soomaaliyed.

Saraakiil ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya ,ayaa waxaa ay sheegeen in madaxweynaha iyo Dowlada igiriiska ay ka wada hadlidoonaan Xaaldihii ugu danbeyey ee wadanka Soomaaliya iyo Aqoonsiga Mareyka iyo kan Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan ,ayaaa  ka soo duulay xalay wadanka biljimka ,isagoo kulamo taariikhi ah  la sooqaatay Madaxda Midowga Yurub ,waxaana sidookale uu la halday Jaaliyada Soomaaliyeed ee Biljimka .

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16431

Posted by on Feb 1 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented