Qarax la la egtay Safaarada Mareykanka ee Turkiga.+Daawo
Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyey in uu geeriyooday hal qof kadib markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay albaabka hore ee Safaarada Mareykanka uu ku leyahay Mgalada Ankara ee wadanka Turkiga.
Policeka Magaalada Ankara iyo Qeybaha Caafimaadka ,ayaa sheegay in Ay sidookale jiraan 2 qof oo dhaawac ah, sidookale duqa Magaalada Ankara oo lagu magacaabo Aladdin Yuksel ,ayaa waxaa laga soo xigtay in uu geeriyooday qofkii isqarxiyey.
Safiirka Mareykanka ee Turkiga ayaa isna cadeyey in Werarka uu dhacay islamarkaasina ay jirto geerida Shaqale ka tirsan Safarada oo dhalashadooda ay tahay Turki.
Policeka ,ayaa waxaa ay wadana baaritaano ku,aadan qaabka falkaasi loo soo maleegay iyo mesha laga soo abaabulay.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16444