Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Qarax waxyelo Geystay oo ka dhacay Kenya.

ifo kenyaWarar ka imaanaya Xiryaha qaxootiyada ayaa sheegaya in qarax aad u xoogay uu xalay ka dhacay Xirada Ifa oo ka tirsan Xiyaha qaxootiyada ee Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxa oo ahaa Bomka nuuca gacanta laga tuuro ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday gaari way wateen Ciidamo boolis ah oo Roondo ka sameynayay Xirada Ifo.

Goobjoogayaal aan la xiriinay ayaa noo xaqiijiyay in 3-askari ay ku dhaawacmen qaraxaasi bom iyadoo la sheegayo in askarta dhaawacmay ay ku jiraan kuwo xaaladoodu ay darantahay.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa dhacay Rasaas la isweydaarsanayay oo socoto muddo aan ka yareen 30-daqiiqo taasi oo aan la garaneyn cid wax ku noqtay inkastoo ay xilli habeen ah ay aheyd xiliga ay wax dhacayeen oo aan si rasmi ah wax loo ogaan karin.

Majirto cid ka hadashay qaraxa iyo rasaasta daba socotay laakiin waxa ay qeyb ka tahay falala Amaan dari ee gobolka Waooqyi bari iyo Xiryaha qaxootiyada ku soo kordhayay waqtiyadii danbe.

Xaalada ayaa hada dagana waxaa lagu soo waramayaa in ciidamo badan la geeyay goobta ay wax ka dhaceen.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16417

Posted by on Feb 1 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented