|

Kenya :waxaan dilnay Saraakiil sar sare oo ka tirsan A-shabaab.

kenyaflagColonel Cyrus Oguna oo kamid ah afhayeenada Ciidamada dowladda Kenya ayaa sheegay duqeyntii qaarkamid ah diyaaradaha dalka Kenya ay khamiistii lasoo dhafay ka geysteen tuulo u dhow degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo ay ku dileen saraakiil sare oo katirsan xarakada A-Shabaab.

Saraakiisha geeriyooday intii ay duqeynta socotay ayuu sheegay afhayeenka Ciidamada Milatariga Kenya inuu kamid yahay gudoomiyaha degmada Buurdhuuba Nuur dheere iyo ciidamo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab islamarkaana qeyb ka ahaa raga falalaka amni dari ka geysta gudaha Kenya.

Sidookale Oguna waxa uu shaaciyay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab uuna uga digayo dadka rayidka ah inay ku dhawaadaan degaanada saldhiga u ah Al-Shabaab oo ay suurtagal tahay in duqeymaha lala damacsan yahay ay ku wax noqdaan shacabka .

Majirto Xaqiiqo loohayo Hadalka Colonel Cyrus Oguna ee ku saabsan in duqeyn ay dhawaan ka fuliyeen degaan hoostaga Magaalada Garbahaareey ay ku dileen Saraakiil Katirsan Xarakadda Al-Shabaab mana jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Shabaab oo ku adaan in laga dilay sarakiil iyaga ka tirsan.

SDN-NairobiĀ 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16481

Posted by on Feb 2 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan