warar goos goos ah oo ku sabasan Ciyaarihii Xalay dhacay.(By Liida)
Wararkii ugu danbeeyay cayaaraha waxaa ka mid ah.
Liverpool
Kooxda Liverpool oo xalay ciqaab adag la marsiiyay iyadoo weliba dhamaan ciyaaryahanada kooxda Liverpool ay ku wada sugnaayeen garoonka.
Liverpool ayaa beryahanba la daalaa dhaceesay guul darooyin kasoo gaaray horyaalka Premier League Iyo weliba Euro cup oo xalay laga adkaaday, Liverppol ayaa xalay la cayaartay kooxda Zenit waxena ku Dhamaatay 2-0 oo Zenit ku guuleysatay.
TOTTENHAM HOSTPER
Kooxda Tottenham iyana waxee xalay xili danbe ka guuleesatay kooxda Lyon oo ka dhisan wadanka France, lyon waxee caan ku aheyd Champions League oo ay kooxo badan soo reebi jirtay.
Ciyaartan ayaa xalay ku dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Bele iyo kooxdiisa Tottenham.
Inter Milan
Diego Milito oo garoomada ka maqnaan doona inta ka hartsan xili ciyaaredkan kadib markii xalay uu soo Gaaray dhaawac weyn xaga jilibka,
Milito ayaa ahaa weerar yahankii Inter kula guuleystay Champions League haatan na ahaa ciyaaryahankii Hogaaminayay kooxda Inter Milan, Inter ayaa cabsi xoog leh soo food saartay inkastoo ciyaaryahankan Uu ahaa mid aan laga maarmi doonin.
Napoli
Kooxda Napoli oo iyana xalay tii ugu xumeyd ka raacday waxaana la arkayay Cavani oo kasii baxaya Garoomada asagoo xanaaqsan, waxaana la sheegaya in ciyaaryahankan ay raadineyso kooxda Man City Oo ay doonayso in ay ku iibsato lacag gaareysa 52 Milyan.
Intaana waa wararkii ugu xiisaha badnaa ee cayaaraha.
Fetah Ali(Liida)
Fitaax1me@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17140