|

Akhriso Warar kii ugu Danbeyey ee laga qoray Ciyaaraha Caalamka(By Liida)


sWararka cayaaraha ee caalamka oo faahfaahsan ayaan halkan idin kaga soo gudbineynaa:

Paul Scholes 

ssc

Ciyaaryahan Scholes oo garoomada ka maqnandoona ilaa mudo laba isbuuc ah ka gadaal Dhaawac kasoo gaaray jilibka, Scholes ayaa maqnaa kulanka dhexmaray kooxda Manchester Unted iyo kooxda Real Madrid, inkastoo leeslahaa ciyaaryahanku wuu soo laaban isbucan laakin Macalinka kooxda Man Utd ayaa xaqiijiyay in laba isbuuc uu kasii maqnaandoono Ciyaaryahankiisa Paul.
Alex Ferguson ayaa intaa ku daray in uu u baahan yahay in loo samro ciyaaryahanadiisa da’da Yar si ay u helaan waqti ay ku sameen karaan hormar.

Arje Robben

 

rr

Ciyaryahanka u ciyaara kooxda Bayern Munich ee u dhashay wadanka Holland ayaa ka hadlay Kulanka Champions League iyo xaalada haatan ay ku sugantahay kooxda Arsenal,.
Robben ayaa dhaliil u jeediyay macalin Wenger oo uu ku tilmaamay in uu eego kaliya sida loo Soo saaro cayaaryahano da’ yar ah laakin uusan eegin ku guuleysiga koobab iyo sida loo soo Iibsado cayaaryahano waa weyn amaba loo heysto cayaaryahanka markaa ugu wanaagsan Kooxda.
Robben ayaa ka hadlay kulanka Champions League oo ay la yeelan donan kooxda Arsenal Waxuuna yiri kulankaas maahan kulan aan dheheeno waan ka badinenaa Arsenal 100% Sababtoo ah ayuu yiri Arsenal kubado wanaagsan ayee cayaartaa mana ahan koox markaa lagu Fududaan karo.

Mario Balotelli 

 

bb

Ciyaaryahan baloteli oo xalay wacdaro ka dhigay kulankii ay wada cayaareen kooxaha Milan iyo Parma, ciyaaryahan Balotelli ayaa dhaliyay goolkii guusha ee kooxda Milan ugu soo gudubtay Wareega sedaxaad, Balotelli ayaa amaan aad u balaaran ka helay dhamaan maamulka kooxda Ac Milan ayagoona ku faana sida wanaagsan ee ciyaaryahankan ugu ciyaaro kooxda Milan.

Fetah Ali(Liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17185

Posted by on Feb 16 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan