Sir Alex Ferguson maxuu ku diiday isla ciyaarida Vidic iyo Ferdinand?(By Liida)
Macalinka kooxda kubada cagta Manchester United ayaa gaashaanka u daruuray in uu mar qura wada ciyaar Siindoonin ciyaaryahanada daafaca ka wada cayaara inta badan waa ciyaaryahan Vidic iyo ciyaaryahan Ferdinand.
Sir Alex ayaa shaaciyay in vidic iyo Ferdinand hal mar aysan wada safan doonin, inkastoo Macalin Alex uu xusay in qatar ay aheyd markii Uu fariisayay Vidic kulankii ay la cayaaren Kooxda Real Madrid.
Macalin Alex ayaa yiri:”fadhiisinta Vidic waxee aheyd doorasho halis ah laakin Vidic waxuu si Fiican ula ciyaaray kooxda Everton sidaa Darteed waxaan doorbiday in aan nasiyo, xitaa hadii Ferdinand uu ciyaari lahaa kulankaas waa fadhiisin lahaa asaga”.
Hadaba hadalkan kasoo yeray macalin Alex ayaa farxad weyn u ah ciyaaryahan John Evans oo heli doona Fursado badan uu kusii ciyaaro Madaama labadan ciyaaryahan Vidic iyo Ferdinand ay sii wada Ciyaari doonin labadaba waa sida uu sheegay macalinka kooxda Manchester United waa Sir Alex Ferguson.
Fetah Ali(Liida)
Fitaax1me@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17228

