ibrahim
|

G/Maxkamada Gobolka Banadir oo Dacwad u qabsaday Qaar kamid Ah warbahinta Muqdisho.

gobolka banadirBarqonimadii maanta ayaa maxkamada gobolka Banaadir waxaa isugu tagay dad aad u badan oo ay ku jiraan saxafiyiin kuwaasi oo ula jeedka ay maxkamada ay u tageen ay aheyd in ay soo tabiyaan maxkamada lasoo Taagayo rag lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilki alle ha u naxariistee Xasan Yuusuf Absuge  oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka howl gala Muqdisho laguna dilay dabayaqadii sanadii hore  Isla muqdisho.

Balse maxkamada gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegtay in kiis kaasi loo soo gudbin wax war ahna aysan ka heyn ninka la dilay iyo meesha lagu dilay waxaana hadalkasi warbaahinta u sheegay Gudomiyaha maxkamada Gobolka Banaadir Dr.Xaashi Cilmi Nuur.

Sido Kale Gudoomiyaha ayaa waxa uu dacwad u qabsaday qaar ka mid ah warbaahinta isagoona sheegay in ay ka tabiyeen war uusan sheegin arintaasi uu madaxada saxaafada iyo ururada u dooda oo ka dalbaday in la soo cadeeyo hadii kalena laga xaal mariyo.

Waxaana uu intaasi ku daray in dacwadaas uu u gudbinaayo madaxada warbaahinta balse aysan maxkamada meesha soo galeen garsorkana looga fadhiyo madaxda saxaafada.

Bilowgii sanadkan ilaa iyo hada ayaa waxaa isku daba dhaga saxaafada iyo hay’adaha garsoorka iyado aad moodo in midba midka kale uu wax ka tabanaayo mid kastaana uu su heysto in uu iala saxan yahay.

Xigasho:KN

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17357

Posted by on Feb 18 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan