|

Akhriso Warar kii ugu danbeyey ee Ciyaaraha.(By Liida)

wenArsene Wenger

Macalinka kooxda Arsenal waa Arsene Wenger ayaa si cara leh ku yiri “ hadii farxadiina ay ku jirto in Arsenal laga badiyo waan sameeneyna waana guul dareesaneynaa  kulanka aan  la cayaari doonto Kooxda Bayern Munich”

wen

Bayern Munich ayaa ah xiligan koox aad u adag oo aan la loolin kari inkastoo kooxda Arsenal qudheeda Ay tahay kooxaha ugu kubada wanaagsan horyaalada caalamka ayaa hadana jahwareer soo foodsaaray Kooxda Arsenal ayaa lees leeyahay Champions League wee kasoo hari doonan kooxda Arsenal.

Waxaana asna ka hadlay ciyaarta dhex mari doonta labadan kooxod Bayern Munich iyo Arsena Ciyaaryahan Arteta oo ku dhiira geliyay kooxda Arsenal in aysan sameyn xishmad ziyaada ah sababtoo Ah ayuu yiri “waxeynu doonaynaa in aan guuleysano sidaa darteed waa in aan ciyaarnaa kulan adag Mana ahan ayuu yiri in aan xishmeyni kooxda Bayern Munich waa in aynu la cayaarnaa kubada aan Garaneyno”

Daniel Alves

Ciyaaryahankan u cayaara kooxda Barcelona waa ciyaaryahan Daniel Alves  ayaa ku dhiira geliyay Kooxda Barcelona in ay lasoo wareegto ciyaaryahanka u ciyaara kooxda Arsenal waa Wilshere,

an

Wilshere ayaa lasoo laabtay dar dar iyo horumar ciyaareed kadib markii uu kasoo laabtay dhaawac soo Gaaray oo uu la maqnaa mudo 15 bilood ah, ciyaaryahankan ayaa noqday ciyaaryahankii qadka dhexe Maamulayay ciyaartii horaanta bishan dhex martay xulka qaranka England iyo wadanka Brazi.

Arsenal ayaa horay kaga iibisay kooxda Barcelona ciyaaryahanada Henry,Febricas iyo Song haatana Alves Waxuu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro Wilshere kooxda Barcelona.

Kaka

Ciyaaryahan Kaka ayaa sheegay in uu doonayo mustaqbalkiisa in uu lasii joogo kooxda Real Madrid , Ciyaaryahankan ayaa lagu bilaabay kulankii habeen hore ee kooxda Real Madrid ka guuleysatay kooxda Vallcano ciyaartaa ayaa ku dhamaatay 2-1 inkastoo Ramos uu qaatay calaamada casaanka ah,

kaka

Kaka ayaa jeclaan lahaa in uu lasii joogo kooxd Real Madrid waa siduu asaga sheegay, waxaa jiray warar Sheegaya in Kaka uu isaga tagi doono kooxda Real Madrid laakin waxaa muuqata Kak in ay isu soo Dhawaanayan tababare Mourinho.

Man City

ney

Kooxda Man City ayaa dooneysa in ay lasoo wareegto ciyaaryahan Neymar, Neymar ayaa ah Ciyaaryahanka haatan ay wada hayaan indhaha caalamka waxaana laga war sugayaa cida uu ku biiri Koono, Man City ayaa dooneysa in ay ka bixiso ciyaaryahankan lacag gaareysa 55 milyan iyadoo ay jiraan Kooxo badan oo raadinaya ciyaaryahankan.

Atlatico Madrid

gomes

Kooxda Atlatico Matrid ayaa dooneysa in ay soo gadato ciyaaryahanka u cayaara kooxda Bayern Munich Waa ciyaaryahan Gomez, Atlatico Madrid ayaa doneysa in ay ku badasho booska ciyaaryahan Falcao oo Laga yaabo in summer uu katago kooxda sababtoo ah ciyaaryahakan ayaa lacago badan ku doonayaan Kooxo badan sida kooxda Chelsea , Man City iyo weliba kooxo badan oo ka dhisan talyaaniga.

Fetah Ali(Liida)

Fitaax1me@hotmail.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17368

Posted by on Feb 19 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan