Qareen Is Hortaaagay Soomaali Magangalyo Doon ahaa oo loo dhoofin lahaa Nairobi.
Amsterdam Saaka ayay ahayd markii lagu balamay in ninkii ugu horeeyey oo dhalashadiisa tahay sida ay sheegtya maxkamada in uu Soomaali magangalyodoon ah lagu maxkamadeeyo in dib loo celiyo ayaa qareenkii u doodayey ninkaan Soomaaliga ah ku guulaystay in aan dib loogu celin karin wadan uusan u dhalan oo ay ahayd in laga dejiyo Nayroobi Keenya.
Ku guulaysiga qareenkaan ayaa waxay hor istaagi doontaa boqolaal Soomaali qaxooti ah oo qarka u saarnaa in dib loogu celin lahaa Nayroobi Keenya oo aan ahayn wadankoodii.
Soomaali badan ayay diiday Nederland dacwooyinkooda magangalyodoonka oo ay banaanka dhigtay oo mudo dhibaatadoodii wali socotaa ayaa ka dib markii uu qabtay mudane Fred Teevens xoghayaha wasaarada cadaalada iyo isdhexgalka ee Nederland ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay Soomaaliya nabad tahay oo qaxootiga Soomaalida lagu celin karo wadankooda.
Guusha maanta uu gaaray qareenka halkaan nin ee magangalyodoonka Soomaaliga ah ayaa guul weyn u ah Soomaalida kale ee qarka u saarnaa in dib loogu celiyo Keenya.
Qareenka ayaa cuskaday in haddii ay Nederland ay rabto in ay Soomaalida celiso ay si toos ah ugu celiso Soomaaliya ee ayan u tarxiilin wadan aan Soomaaliya ahayn.
Dhibaatada ku imaan karto Soomaalida kale ayaa waxay tahay in ay dowlada ka qaadato racfaan oo ay dood hor leh keento oo ay hesho fursado kale oo si toos uga dajin karto magaalada Muqdisho illeen caado qaato Soomali ah lama waayeyee.
Waraysi aan la yeelanay hay ada qaxootiga ee loo yaqaan Vluchtelingenwerk Nederland ayaa mar aan telefoon ku wacnay noo xaqiijisay in ay maxkamada saaka ku saabsanayd hal nin oo Soomaali magangalyodoon ah oo la diiday dacwadiisii qaxootinimo qarkana u saarnaa in saaka haddii ay dowlad ku guulaysan lahayd maxkamada laga dejin lahaa magaalada Nayroobi ee Keenya.
[JSN]
www.somculned.com
Isha warka :Hay ada Qaxootiga Nederland
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17488