ibrahim
|

Askar horey loo Xukumay oo Muqdiho lagu togtay.

toogasho-galgaduuMaxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dalka ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo horay loo xukumay.

Dilka oo saaka ka dhacay Iskool Boliisiya ayaa lagu fuliyay Sadex ruux oo ka mid ahaa ciidamada Qalabka sida,  kuwaas oo mid ka mid ah uu ahaa Sarkaal,  waxaana maxkamada ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay falal dil ah oo ay hore ugu geysteen shacab iyo ciidamo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir,  Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Sarreeye Guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,  saraakiil kale oo ciidan iyo dadweyne farabadan oo usoo daawasha tegay ayaa goob joog ka ahaa goobta lagu tooganayay Sadexdaasi ruux oo aheyd fagaaraha Iskool Boliisiya.

Xigasho:RM

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17525

Posted by on Feb 21 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented