ibrahim
|

DFS oo Maamul GMG ah Usameyneysa G/dhexe .

polandXildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo Boqanaayey Malmahaan Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ay dib ugu laabteen Magaalada muqdisho ee Caasimada Wadanka Soomaaliya ka dhawaajiyeen in Dowlada Soomaaliya ay Damacsantahay in Maamul Loosameeyo Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena kamid ah Xildhibaano dhawaan kasoo noqday Gobalka Galgaduud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hada doneyso in ay nidaam wanagsan u sameyso.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowladda qorshaheeda uu yahay dhisida maamul KMG ah oo muddo lix bilood ah shaqeynaya kaasi oo laga hirgeliyo Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Mahad Salaad ayaa sheegay in shacabka Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in loo dhiso maamul KMG ah sidoo kalena maamulada iminka ka jira Gobaladaasi ay kala soo hadleen dhisida maamulka KMG ah ee Dowladda diyaarna ay uyihiin.

Dhawaan ayuu sheegay in Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ay booqan doonaan wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya laguna dhawaaqi doono maamulka KMG ah ee Gobaladaasi.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan dib uga soo noqday Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya kuwaasi oo soo googol xaaraye maamulka iminka la qorsheynayo.

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17529

Posted by on Feb 21 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented