Maxay AMISOM kahadashay?
Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumud oo la hadleyey warbaahinta ayaa waxa uu ka hadalay wax yabaha ay soomaaliya u joogaan ciidamada AMISOM isagoona sheegay in wakhtiga howlgalka AMISOM ee soomaliya uu yahay mid AMISOM ay ku dooneyso in ay ku nabdeyso guud ahaan Soomaaliya.
waxa uuna intaa ku daray in ciidamada AMISOM ay diyaar u yihiin in ay tagaan meelkasta oo ay shacabka soomaaliyeed ka soo sheegaan dhibaato amni darro.
Qaramada midoomay ayaa qorsheyneysa in mudo hal sano ah loogu kordhiyo howlgalka ciidamada AMISOM ay soomaaliya ka wadaan .
Wakiilka Qm ee arimaha nabad ilaalinta aduunka Herve ladsous ayaa maalinimadii shalay ahayd sheegay in la diyaarinayo qorshayaal lagu dar dargalinayo howlgalada nabadilaalinta ah ee ka socda wadamo Soomaalia ay kamid tahay Sidookale waxa la shaaciyay in golaha amaanka Qm ay kulan ka yeelan doonaan waqtiga AMISOM ee Soomaaliya ay ka howlgalayaan oo ku eg Bisha soo socota ee March isagoona intaas ku daray in hal sano loogu daro Amisom.
Xigasho:Kulmiye
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17550