ibrahim
|

Sneijer iyo Drogba oo ku fashilmay kulankii xalay ee Champions League(By Liida)

257005hp2257005hp2Ciyaaryahanada dhawaan kusoo biiray naadiga Galasataray waa ciyaaryahanada Drogba iyo Sneijer  ayaa Habeenkii xalay ahaa ka qeyb qaatay kulanka Champions League ay la cayaareen kooxda Schalke Ciyaartaa oo ku dhamaatay 1-1 laakin waxaa la leeyahay labadan ciyaaryahano ma aysan wanaagsaneen Qaab cayaaredkooda oo waxii lagaga bartay soo ma bandhigin.

 

257005hp2

 

Ciyaartaan oo ay aheed ciyaarta wareega 16aad oo ay wada cayaaren lugta hore Champions League, Kulankan waxuu ahaa kulan aad u adag oo ay daawaney daawadayaal badan oo taageera kubada cagta Qaasatan labada kooxood ee Galasataray iyo Schalke.

Labadan ciyaaryahano ayaa kusoo biiray naadiga Galasataray oo dhawaan Drogba ayaa ka yimid naadi ka Dhisan wadanka China iyo Sneijer oo asna ka yimid naadiga Inter Milan.

Saxaafadaha aduunka ayaa laga hadal haayay in labadan ciyaaryahano waxba aysan sameyn kulankii Xalay ee Champions League.

Laakin Drogba ayaa ahaa ciyaaryahankii kooxda Chelsea Gacanta u geliyay Champions League oo ay weli Horay u qaadin kooxda Chelsea.

Ilaa haatan ciyaaryahanadan ayaa heestaan fursado oo ay ku muujin karaan karti iyo xirfada ay u Leeyihiin ciyaaritaanka kubada cagta, Drogba iyo Sneijer ayaa kaalin weyn u hayeen kooxihii oo ay ka Kala yimaaden.

Hadaba waxaa la wada sugayaa cida guuleysan doonta kulanka lugta labaad ee Champions League Markaana waxaa la arki doonaa ciyaaryahanadan waxa ay u qaban doonaan kooxda Galasataray.

Fetah Ali(Liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17554

Posted by on Feb 21 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan