|

Wesley Sneijder oo noqday ciyaartoga ugu Lacagta Badnaa ciyaartoyda Holland 2012ka.

sneijder-galatasaray-a-evet-dediHoofddorp: Nederland : Sannadkii la soo dhaafay 2012 -ka ciyaartooyada Nederlandeeska ee ka ciyaara kooxaha kubbada cagta ee wadamada midowga Yurub iyo adduunka intiisa kale aayaa waxaa ugu lacag badnaa ninka la yiraa Wesley Sneijder oo ka ciyaara dhexda wuxuu sannadkii la soo dhaagay soo gashay lacag dhan 12.200.000 Yuuro ah.

Wesley Sneijder

 

Nederland waa wadan yar marka loo fiiriyo wadamada kale ee midowga Yurub waxayna leedahay  ciyaartooyo tayo leh oo ka ciyaara adduunka oo dhan hadba halkii ay lacag ka helayaan ayaa waxaa ugu badan ciyaartoyda kubbada cagta ee ka ciyaara wadamada Yurub qaasatan wadamada Ingiriiska, Isbaayn, Itaaliya. Jarmalka iyo Turkiga oo uu hadda u ciyaaro  Wesley Sneijder kooxda Galasataray oo guulo wax ku ool ah ka keenay.

Ciyaaryahanada kale ee Nederlandeeska ah ee aan dabka yar shidin ayaa waxaa ka mid Robin van Persie oo helay lacag dhan 11.850.000 Yuuro ah sanndkii 2012. Robin van Persie  wuxuu aad u kordhay mushaarkiisa markii uu ka tagay kooxda Arsenal ee uu ku biiray kooxda Manchester united.

Waxaa kaloo helay lacag dhan 9.400.000 Yuuro ah Arjen Robben oo kaalinta saddexaad galay ciyaartooyda u dhalatay Nederland ee helay lacagaha badan.

 

Kubbada cagta ayaa lacagaha ugu badan ka soo galaan ciyaartooyda Nederland taasoo faaiido weeyn u ah dhaqaalaha wadanka Nederland. Lacagta guud ee ciyaartoyda Nederland helaan guud ahaan sannadkii la soo dhaafay 2012 ayaa ahayd lacag dhan 190.010.000 Yuuro ah .

Top 100 ciyaartooyda ugu lacagta badnayd ayaa dhamaantood ahaa rag halka hal qof oo dumar ah ka  gashay kaalinta 45 aad haweeney la yiraa Anky van Grunsven.

 

Joornaalka Soomaalida Nederland [JSN]

www.somculned.com

Haddii ay jiraan su’aal(o), la xiriir qormadaan, waxaad noogu soo gudbin kartaa halkaan

Afeef: Fiiro gaar ah Qoraalada kusoo baxo Joornaalka Soomaalida Nederland [JSN] waa la sii daabici karaa, haddii aan laga tagin xusida magaca qoraha iyo JSN Mahadsandiin

 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17537

Posted by on Feb 21 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan