ibrahim
|

Maxaa ka soo baxay kulankii Xasaasiga ahaa ee Golaha Wasiirada.?(Warsaxaafadeed)

golahaKulankan ay yeesheen golaha wasiirada Soomaaliya oo bilowday gelinkii danbe ee shalay islamarkaana Gaaray ilaa xalay saqdii dhexe ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo quseeya xaalada dalka iyo Horumarinta ay dowladu hormuudka katahay ee kasocda Dalka.

Kulankan oo uu shir gudoominayay raisulwasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ayaa ugu horeyn looga hadlay habka nidaaminta shaqaalaha dowlada iyo heerarkooda maadaama Isbedel dhinaca maamulka ah uu kadhacay dalka islamarkaana loo baahanyahay in la hagaajiyo habka Dhaqaalaha iyo xuquuqda shaqaalaha rayidka ah ee dowlada Soomaaliya xili dhawaan la ansixiyay Miisaaniyada cusub oo ay xukuumadu diyaarsiay.

Wasiirka wasaarada Warafafinta,Boostada,Isgaarsiinta,iyo Gaadiidka mudane C/laahi ciilmooge Xersi Ayaa sheegay in kulankan sidoo kale looga dooday sharciga bankiga horumarinta Soomaaliyeed oo Golaha wasiirada la horkeenay kaasoo dib loo dhigay ansixintiisa

Isagoo intaa raaciyay in sidoo kale golaha lahordhigay sharxiga hay’ada duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya taasoo dhawaan lagu biiriyay wasaaradda warfaafinta.

Mudane Ciilmooge ayaa sidoo kale xusay in shirkan xalay laga garankaro muhiimadiisa waqtiga dheer Ee uu qaatay iyo sida ay dowlada uga go,antahay horumarinta wadanka

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,iyo Gaadiidka mudane C/laahi Ciilmooge Xersi Ayaa maanta u ambabaxay dalka Spain halkaasoo uu uga qeybgali doono shirka Isgaarsiinta caalamka Oo ay iskugu imaanayaan wadamada caalamka waxa uuna xusay in shirkan uu muhiimad gaar ah u Leeyahay Soomaaliya maadaama ay kasoo qeybgalayaan madax farabadan oo uu kamidyahay Madaxweynaha isgaarsiinta aduunka kuwaasoo uu wasiirku lamadalsanyahay sidii uu ulakulmi lahaa.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyay wasiir kuxigeenka wasaaradda mudane Ibraahim Isxaaq Yarow oo hadda ah Kusimaha wasiirka,agaasimaha guud ee wasaaradda C/risaaq Cali yuusuf Bahlaawi iyo agaasimaha waaxda Shaqaalaha.

Dhamaad

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17586

Posted by on Feb 22 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan