ibrahim
|

Mungaab:waxaa jira Saraakiil katirsan Ciidamada DS oo siidaayey Maxaabiis.

mungaabMaxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo siidaayay Maxaabiis ay gacanta ku hayaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo haatan xabsiga ku jira, kuwaasi oo loo heysto danbiyo la xiriira in xabiyada ay ka siidaayay Maxaabiis.

Janaraal Muungaab ayaa tilmaamay in saraakiishan qaarkood xukun lagu riday, halka qaar kalana ay sugayaan in cadaalada la horgeeyo, waxaana uu carabka ku dhuftay in hada kaddib sarkaalkii lagu helo in uu siidaayay Maxbuus ama uu soo qaban waaya danbiile ka tirsan Ciidankiisa isaga uu mas’uuliyadaasi qaadanayo.

Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay in Askarigii isaga oo Adeesanaya Hub kufsi geysta sharciga la horkeenayo, islamarkaana la toogan doono.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu ugu baaqay Ciidamada Xooga Dalka in ay dhawraan sharciga, islamarkaana ay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara in ay galaan  dhacaan danbiyo ay ku muteysan karaan dil toogasho ah ama ciqaab kale.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaali, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa waxa uu imaanayaa xilli shalay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay dil toogasho ah ku fulisay 3-Askari oo midkood uu Sarkaal ahaa.

www.qubanaha.com

Xigasho:Sh.M

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17582

Posted by on Feb 22 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan