Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Nalalka lagu Dhajiyey Wadooyinka Muhuumka ah ee Muqdisho oo la soo dhaweyey .

bur-burka-muqdishoIsu soo bax balaaran oo ay ka qeybgaleen dadweynaha ku nool degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigleey  iyo Howlwdaag oo lagu soo dhaweeynayay hirgilinta nalalka ku shaqeeya ileyska qoraxda ayaa xalay lagu qabtay wadada wadnaha.

Dibadbaxayaasha oo ka kala yimid degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigleey iyo Howlwadaag ayaa xalay socod ku maray qeybo ka mid ah wadada Wadnaha gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Sanco ilaa Howlwadaag,  iyadoo wadadaasi uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgeliyay nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda.

Isu soo baxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyo ay kusoo dhaweeynayaan mashruuca maamulka gobolka Banaadir uu ku ifinayo waddada wadnaha oo markii ugu horeysay in ka badan Labaatan Sano kadib la arkay iyadoo ifeysa oo ay dadka iyo gaadiidkuba ay si baqdin la’aan ah u dhex mushaaxayaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyayaasha degmooyinkaasi oo la hadlay dadka isu soo baxay ayaa kula dardaarmay in ay gacan ka geystaan nabada oo ay ka hortagaan kuwa caqabada ku ah amniga iyo dib u soo celinta bilicdii magaalada Muqdisho.

Nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda ayaa hore loo geliyay wadada Maka Almukarama,  iyadoo maamulka gobolka Banaadirna uu doonayo in mashruucan lagu baahiyo dhamaan waddooyinka magaalada Muqdisho, suuqyada iyo garoomada Isboortiga.

Isu soo bax balaaran oo ay ka qeybgaleen dadweynaha ku nool degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigleey  iyo Howlwdaag oo lagu soo dhaweeynayay hirgilinta nalalka ku shaqeeya ileyska qoraxda ayaa xalay lagu qabtay wadada wadnaha.

Dibadbaxayaasha oo ka kala yimid degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigleey iyo Howlwadaag ayaa xalay socod ku maray qeybo ka mid ah wadada Wadnaha gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Sanco ilaa Howlwadaag,  iyadoo wadadaasi uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgeliyay nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda.

Isu soo baxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyo ay kusoo dhaweeynayaan mashruuca maamulka gobolka Banaadir uu ku ifinayo waddada wadnaha oo markii ugu horeysay in ka badan Labaatan Sano kadib la arkay iyadoo ifeysa oo ay dadka iyo gaadiidkuba ay si baqdin la’aan ah u dhex mushaaxayaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyayaasha degmooyinkaasi oo la hadlay dadka isu soo baxay ayaa kula dardaarmay in ay gacan ka geystaan nabada oo ay ka hortagaan kuwa caqabada ku ah amniga iyo dib u soo celinta bilicdii magaalada Muqdisho.

Nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda ayaa hore loo geliyay wadada Maka Almukarama,  iyadoo maamulka gobolka Banaadirna uu doonayo in mashruucan lagu baahiyo dhamaan waddooyinka magaalada Muqdisho, suuqyada iyo garoomada Isboortiga.

Xigasho:RM

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17574

Posted by on Feb 22 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented