Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Maxatahay Ujedada Wafdiga Turkiga ee Muqdisho tagay?

turkigaRa”iisulwasare ku xigeenka  Wadanka Turkiga iyo Wasirka Hormarinta  Dalkaasi ayaa maanta Booqasho ku tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimada wadanka Soomaaliy iyadoo ay halkaasi ku soo dhaweyeen wasiiro ay ka mid aheyd wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya Fowsiyo yusuf Xaji Adan iyo Marti sharafkale.

Bekir Bozdag iyo,Cevdet Yilmaz  ,ayaa waxaa lagu wadaa in ay la kulmayaan Madaxda sare ee qaranka Sida Madaxweynaha Soomaaliya xasan shiikh maxamuud iyo Ra”iisluwasaare saacid iyagoona maanta ku soo wareegay Xarumo ay horey turkiga ugu hergalisay Maga alada Muqdisho ee casimada Soomaaliya.

Wafdigan Turkiga ka socda, ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan ,xaflad lagu furaayo ,Masaajid ,iskool iyo goob lagu xanaaneeyo Ilamaha Agoonta ,oo ay dowlada turkiga ka dhiseyso Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Ma ahan Markii ugu horeysay ee Ra”siiulwasaare ku xigenka Turkiga uu tago Soomaaliya,iyadoo kolhore uu halkaasi siyaabo kala duwan u booqday,waxaan wafdigaan lagu wadaa in ay booqasho ku sii aadaan Dalka Suudaan.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17593

Posted by on Feb 23 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented