ibrahim
|

Xildhibaan ka tirsan Barlamanka soomaaliya oo xukun lagu riday Hargesa.

hargesaMaxkamada gobolka Hargeysa oo dhegeysatay dacwad lagu soo oogay Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya balse ka soo jeeda Somaliland ayaa xukun ay ku riday waxa uu noqdey mid debacsan.

Xildhibaan Jaamac oo mudo iminka maxkamada sugayay ayaa laga soo qabtay degmeda Gebiley oo uu ka soo jeedo.

Maxkamada ayaa xildhibaanka ku riday xukun lacaga oo ka kooban Hal Milyan oo shilling Somaliland ah oo Ganaax ah.

Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa sidoo kale amartay in xildhibaan Jaamac Axmed Maxamed dalka looga saaro mudo 24 sacadood gudahooda.

Safarada ay Somaliland ku yimaadaan ashqaasta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee hadanaka tirsan dawlada Somaliweyn ayaa mudooyinkii danbe isa soo tarayay.

Arintan ayaa timi ka dib kolkii ay xukuumada Madaxweyne dabarkii ka goysay la xaajoodka Soomaaliya,oo ay golleyaasha sharci dejinta dalka marsatay shuruuc ooda ka rogeysa wadahadalo dhex mara labada dhan.

SDN-Hargeysa

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=17589

Posted by on Feb 23 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan